Kooxda kubada cagta Puntland oo gaartay Muqdisho si ay uga qayb galaan horyaalka maamul goboleedyada Soomaaliya

Puntland footbal team
Ciyaartoyga Puntland oo gaaray Muqdisho. Sawirka: Puntland Post.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Kooxda kubada cagta Puntland ayaa maanta oo Khamiis ah gaartay caasimada Soomaaliya, Muqdisho si ay uga qayb galaan horyaalka maamul goboleedyada Soomaaliya, kaasoo maalinta Jimcada ah ka furmi doona Muqdisho.

Ciyaartoyga ayaa tababarkooda kasii wadi doona magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha wasaarada ciyaaraha dowlada Puntland.

Horyaalka maamul goboleedyada Soomaaliya ayaa noqonaya koobkii kowaad oo lagu qabto Muqdisho.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*