Dajinta badeecada saaran doonida ku caariday xeebta Boosaaso oo bilaabmatay

Wiishka oo doonida kasoo dajiyay gaarigii ugu horeeyay saakay oo Jimce ah. [Sawirka: Facebook/fuaadaflow]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dhismaha dekad kumeel gaar ah ayaa la dhammeeyay si loo badbaadiyo badeecada saaran doonida caariday, sida uu sheegay guddoomiyaha kooxda badbaadada, Shiikh Fuaad Aflow.

Wiishka ayaa saakay oo Jimce ah bilaabay soo dajinta badeecada saaran doonida, sida uu sheegay Shiikh Fuaad.

Horaantii bishaan, doonida ganacsi oo ka timid Dubai una socotay Boosaaso ayaa ku caariday xeebta Boosaaso kadib markii ay cilad ku timid.

Badeecada doonida saaran ayaa lagu qiyaasay 1,500 tan, lacag dhan $8 milyan, sida ay sheegeen ganacsatada ay doonidu u rarneyd.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*