Qayb kamid ah culimada Soomaaliyeed oo kasoo horjeestay qoondada haweenka laga siiyay baarlamaanka dowlada federaalka Soomaaliya

culimo
Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo uu dhinac fadhiyo Shiikh Bashiir. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Qayb kamid ah culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay qoondada ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin doorashada soo socota in ay tahay mid kahor imaanaysa caqiidada Islaamka.

Bayaan shalay oo Isniin ahayd ay Muqdisho kasoo saareen, qayb kamid ah culimada oo isugu yeeray ururuka culumada Soomaaliyeed ayay ugu yeereen dowlada iyo shacabka in aan la samayn qaybta haweenka, kaasoo amaraya in 30 boqolkiiba kuraasta baarlamaanka loo qoondeeyo haweenka.

“Haayada culimada Soomaaliyeed waxay uga digaysaa dalka iyo dadkiisa in laga soo horjeedsado waxa loogu yeeray nidaamka qoondada haweenka ee siyaasada,” sidaa ayaa lagu yiri bayaanka.

“Qoondada haweenka Soomaaliyeed maahan wax aan naqaan. Waa mid ay wadaan cid aan Muslim ahayn taasoo la rabo in lagu burburiyo bulshada,” Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ah afhayeenka culimada isugu yeeray haayada culimada Soomaaliyeed ayaa sidaa u sheegay wariyeyaasha Muqdisho.

Digniintan ayaa imaanaysa iyadoo shirarkii madasha ee u dhaxeeyay hoggaamiyaasha siyaasada Soomaaliya ay isku raaceen in 30 boqolkiiba kuraasta baarlamaanka dhexdiisa loo qoondeeyo haweenka Soomaaliyeed.

Doorashooyinka Soomaaliya  oo labo jeer oo hore dib u dhacay ayaa la filayaa in ay dhacaan dabayaaqada bisha soo socota ee November, waxaana hadda socda soo xulida xildhibaanada aqalka hoose iyo kan sare.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa soo xuli doona odayaasha dhaqanka halka xubnaha aqalka sare ay soo xulli doonaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*