Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in 240 maleeshiyo al-Shabaaab ah lagu dilay saldhiga Halgan

Wasiirka amniga dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar oo wareysi siinaya idaacada dowlada (Raadiyo Muqdisho).
Wasiirka amniga dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar oo wareysi siinaya idaacada dowlada (Raadiyo Muqdisho).

Ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika ayaa dilay ilaa iyo 240 dagaalyahan oo al-Shabaab iska hor imaad ka dhacay saldhig ay ciidamada militariga Itoobiya ku leeyihiin bartamaha Soomaaliya maalintii Khamiista, sida uu sheegay wasiirka amniga dowlada federaalka Soomaaliya, Cabdirisaaq Cumar.

Sagaal ciidamada Itoobiya ah ayaa ku dhintay dagaalka ka dhacay deegaanka Halgan, oo qiyaastii 300 km dhanka waqooyiga ka xiga caasimada Muqdisho, dagaalkaas ayaa bilowday markii dagaalyahanada al-Shabaab ay soo weerareen saldhiga subaxnimadii hore, sida uu wasiirka amniga u sheegay warbaahinta dowlada (Raadiyo Muqdisho).

Ciidamada Itoobiya ayaa qayb ka ah Howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya, kaasoo lagu doonayo in lagu soo cesho xasiloonidii dalka ku yaala Geeska Afrika, halkaas oo dagaal sokeeye ka soconayay muddo labaatan sanno ku dhow. Weerarkaan ayaa daba socday weerar ay al-Shabaab ku qaadeen bartamihii bishii Janaayo saldhig ay ciidamada Kiinya ku lahaayeen gudaha Soomaaliya, kaasoo ay maleeshiyada sheegtay in ay ku dishay 100 askari. Dowlada Kiinya ayaa ku adkaysatay in khasaaro halkaas ka dhacay wallow aysan bixin tirada dhimashada.

(Warbixintan waxaa qortay wakaalada wararka dhaqaalaha, Bloomberg Business, waxaa turjumay Puntland Mirror)

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*