Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari oo lagu dilay gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso

Magaalo xeebeedka Boosaaso.[Sawirka: Puntland Mirror]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Guddoomiye ku xigeenkii hore ee gobolka Bari Khalar Ismaaciil Cabdule oo loo yaqaan (Buncun) ayaa maanta oo Axad ah lagu dilay gudaha magaalo xeebeedka Boosaaso, sida ay ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Buncun ayaa niman hubaysan oo aan haybtooda la garanayn ku dileen gudaha magaalada, iyaga oo goobta ka baxsaday kadib dilka, sida ay wararku sheegayaan.

Ma jirto cid sheegatay masuuliyada dilkaas ilaa iyo hadda.

Haayadaha ammaanka ayaan weli ka hadlin dilka.

Buncun ayaa guddoomiye ku xigeen soo noqday xilligii Cabdisamad Maxamed Gallan uu ahaa guddoomiyaha gobolka Bari.

Magaalo xeebeedka Boosaaso ayaa waxa ka dhacay dilal qorshaysan intii lagu guda jiray bilihii dhawaa ee lasoo dhaafay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*