Puntland iyo Galmudug oo Gaalkacyo shir uga furmi doono

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Camay iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi oo ka qeybgalayay munaasabada furitaanka ciidamada isku dhafka ah bishuu July. [Xigashada Sawirka: Raxanreeb]
Gaalkacyo-(Puntland Mirror) Puntland iyo Galmudug ayaa waxaa la filayaa in shir uu uga furmo gudaha magaalada Gaalkacyo kaasoo ujeedkiisu yahay xasilinta gobolka Mudug, sida ay sheegeen ilo-wareedyo xog-ogaal ah.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Cabdixakiin Cumar Camay iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi ayaa tagay magaalada Gaalkacyo si ay uga qeybgalaaan shirka.

Labada dhinac ayaa dhawaan sameeyay ciidan booliis ah wadajir ah kuwaasoo ka howlgalaya gudaha magaalada Gaalkacyo si ay uga hortagaan falalka amni darada ah.

Deegaanada miyiga ee gobolka Mudug ayaan dhawaan waxaa ka dhacay dhacdooyin dhiig ku daatay oo u dhaxeeya dad kasoo kala jeeda Puntland iyo Galmudug.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*