Puntland oo ciidamada badda u dirtay xeebaha gobolka Bari si ay u sii daayaan markab ganacsi oo ay afduubteen burcadbadeeda Soomaaliya

Puntland oo ciidamada badda u dirtay xeebaha gobolka Bari si ay u sii daayaan markab ganacsi oo ay afduubteen burcadbadeeda Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Puntland oo ciidamada badda u dirtay xeebaha gobolka Bari si ay u sii daayaan markab ganacsi oo ay afduubteen burcadbadeeda Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Boosaaso-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa ciidamo badan oo kuwa badda ah u dirtay xeebaha gobolka Bari si ay u sii daayan markab ganacsi oo ay afduubteen burcadbadeeda Soomaaliya horaantii asbuucaan, sida uu warsidaha Puntland Mirror u xaqiijiyay sarkaal.

Sarkaal katirsan ciidamada badda Puntland, oo diiday in magaciisa la sheego, sababtoo ah looma ogola in uu wariyeyaasha la hadlo, ayaa Puntland Mirror u sheegay in dowladdu cutubyo katirsan ciidamada badda Puntland ee PMPF ay u dirtay xeebaha gobolka Bari si ay uga qayb-qaataan dadaalada lagu soo badbaadinayo markabka iyo shaqaalaha saaran.

Sida uu sarkaalku sheegay, dowladda ayaa u dirtay deegaankaas boqolaal katirsan ciidamada PMPF oo wata doonyo gaashaaman.

PMPF ayaa ah ciidamo leh tababar wanaagsan, waxaana taageerta wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta.

Markabka ganacsi kaasoo ahaa mid saliida qaada oo ay ka howlgalayeen sideed shaqaale ah oo u dhashay dalka Srilanka, ayaa shidaal kasoo qaaday dalka Jabuuti waxaana uu u socday caasimada Soomaaliya ee Muqdisho, markii ay afduubteen burcadbadeeda Soomaalida ah maalintii Isniinta ee asbuucaan, iyaga oo ka qabsaday biyaha Badweynta Hindiya, sida ay wararku sheegayaan.

Burcadbadeeda ayaa markabka u kaxaystay dhanka xeebta bari ee degmada Caluula, balse hadda waxa ay u wareejiyeen dhanka degmada Xaabo ee gobolka Bari, Puntland, sida uu sarkaalku sheegay.

Tirada weeraradii burcadbadeeda Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacday intii lagu guda jiray shanti sanno ee lasoo dhaafay.

Kani waa weerarkii kowaad oo ay burcadbadeedu ku qaado markab ganacsi oo gooshayay xeebaha Soomaaliya in ka badan muddo shan sanno ah.

Dhawaan, iyaga oo la hadlayay warbaahinta maxaliga ah, qayb kamid ah kalluumaysatada ayaa ku goodiyay in ay hubka qaadan doonaan mar labaad ayna ku noqon doonaan burcadbadeednimada si ay u la dagaalamaan waxa ay ugu yeereen “jariifayaasha ajaaniibta ah.”

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*