Kiisaska COVID-19 gudaha Soomaaliya oo gaartay 116

Coronavirus.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay 36 kiis oo cusub oo coronavirus ah la helay 24-kii saac ee la soo dhaafay.

27 kamid ah dadka laga helay xanuunka ayaa ah rag halka 9 ay yihiin dumar, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadku.

Iyadoo maanta ay tahay Sabti, tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee laga helay gudaha Soomaaliya waa 116, shan dhimasho ah, iyo labo qof oo ka bogsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*