Mareykanka oo sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan khasaare dad shacab ah kasoo gaaray weerar ka dhacay deegaanka Bariire

Dad shacab ah oo khasaare kasoo gaaray weerarka Bariire oo meydkooda lagu soo bandhigay gudaha Muqdisho. [Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Mareykanka ayaa sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan khasaare ka dhashay weerar wadajir ah oo ka dhacay deegaanka Bariire.

“Waxaanu maskaxda ku haynaa eedaha khasaaraha dadka shacabka ah ee Bariire. Waxaanu qaadanaynaa wax walba oo eedo ah oo khasaaraha shacabka ah, waxaanu bilownay baaritaan ku saabsan xaalada si loo ogaado xaqiiqooyinka halkaas ka jira,” ayay bayaan ku sheegeen Mareykanku.

“Waxaanu xaqiijinaynaa in ciidamada Soomaaliya ay qaadeen howlgalka ka dhacay deegaankaas iyaga oo ciidamada Mareykanku ay kaalin taageero ah ku lahaayeen.”

Ugu yaraan 10 qof oo ay ku jiraan saddex caruur ah ayaa ku geeriyooday howlgal ay ciidamada Soomaaliya iyo kuwa Mareykanka ka geysteen tuulada Bariire ee gobolka Shabeellaha Hoose shalay oo Jimce ahayd.

Mareykanka ayaa bayaankooda ku sheegay in ciidamada Mareykanku ay Soomaaliya ku joogaan codsiga Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna naftooda u hureen sidii ay u caawin lahaayeen ciidamada Soomaaliya ee dagaalka kula jira Al-Shabaab si loo xasiliyo gobolka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*