Mareykanka oo xaqiijiyay dilka Cali Jabal oo ahaa hoggaamiye sare oo Al-Shabaab

Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaan “Cali Jabal”. [Xigashada Sawirka: Twitter/hamzaafrica]
Washington-(Puntland Mirror) 30-kii bishii lasoo dhaafay ee July ciidamada Mareykanka ayaa weerar duqayn ah ku qaaday meel u dhow deegaanka Tooratoorow ee koonfurta Soomaaliya, waxaana ay ku dileen Cali Maxamed Xuseen oo loo yaqaan (Cali Jabal), sida ay bayaan ku xaqjiiyeen howlgalka ciidamada Mareykanka ee Afrika maanta oo Jimce ah.

Cali Jabal ayaa ahaa sargaal sare oo katirsan Al-Shabaab, kaasoo Al-Shabaab masuul uga ahaa howlgalada gudaha Muqdisho, waxaana uu qorshayn jiray fulina jiray weerarada ka dhanka ah caasimada Muqdisho. Waxaa saldhig u ahaa gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo ay Al-Shabaab ku xooganyihiin.

Masuuliyiinta dowladda Soomaaliya ayaa aaminsan in dilka Cali Jabal ay daciifin doonto awooda Al-Shabaab si ay u qorsheeyaan una qaadaan weeraro gudaha Muqdisho iyo isku xirka dadaalada u dhaxeeya hoggaamiiyasha gobolada ee Al-Shabaab.

Mareykanka ayaa bayaankiisa ku sheegay, in ay si wadi doonaan wada shaqaynta ciidamada Soomaaliya si meesha looga saaro Al-Shabaab, looguna guuleysto xasiloonida iyo ammaanka gobolka.

Bishii lasoo dhaafay ee Maarso sanadkan, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ogolaaday soo jeedin awood u siinaysa in Waaxda Difaaca Mareykanku ay qaadi karto weeraro dhimasho leh oo ka dhan Al-Shabaab degaanada ay ku suganyihiin maleeshiyadu si loo taageero ciidamada Soomaaliya.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*