Maleeshiyada Al-Shabaab oo weli haysata deegaanka Af Urur iyo masuuliyiinta Puntland oo aan ka hadlin

Deegaanka Af Urur. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa weli haysata deegaanka Af Urur ee gobolka Bari, sida ilo-wareedyo dhanka ammaanka ah ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Maleeshiyada ayaa magaalada la wareegtay subaxnimadii hore ee Sabtida kadib markii ay ciidaamada Puntland isaga baxeen maalin kahor.

Lama oga sababta dhabta ah ee keentay ka bixitaanka ciidamada Puntland, balse ilo-wareedyo dhanka ammaanka katirsan ayaa warbaahinta u sheegay in ay tahay xeelad ciidan. Sidoo kale waxaa soo baxaya warar sheegaya in ka bixitaanka ay keentay tabasho mushahaar la’aan ciidamada ah.

Masuuliyiinta sare ee dowladda Puntland weli si rasmi ah ugama aysan hadlin qabsashada Al-Shabaab ee Af Urur.

Muxuu yahay deegaanka Af Urur?

Deegaanka Af Urur waxa uu kuyaala buuraleyda gobolka Bari, waa tuulo yar taasoo qiyaastii dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Magaca ay Af Urur waxa aad loo bartay sanadkii 2017-kii markii maleeshiyaad katirsan Al-Shabaab ay weerar ku qaadeen saldhig ciidamada Daraawiishta Puntland ku lahaayeen halkaas, kuna dileen qiyaastii 30 askari, sidoo kalena ku gubeen gaadiid dagaal ayna bililiqaysteen hubkii iyo saanadii ciidamada.

Markale bartamihii sanadkii 2018-kii Al-Shabaab ayaa la wareegtay Af Urur kadib markii ay ka baxeen ciidamada Puntland iyada oo xilligaas Puntland culeys dagaal uu ka heystay deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool halkaas oo ay ku dagaalamayeen ciidamada maamulka Somaliland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*