Maamulka Somaliland oo sii daayay xildhibaan Puntland ah oo ay dhawaan qabteen

Canjeex
Xildhibaan Maxamed Faarax Aadan “Canjeex” .

Garoowe-(Puntland Mirror) Maamulka Somaliland ayaa maanta sii daayay xildhibaan baarlamaanka Puntland kamid ah kaasoo dhawaan ay qabsadeen.

Xildhibaan Maxamed Faarax Aadan “Canjeex” ayaa maanta la sii daayay, sida uu warsidaha Puntland Mirror u sheegay xildhibaan katirsan baalamaanka Puntland.

Xildhibaan Canjeex ayaa galabta gaaray maagaalada Dhahar ee gobolka Hayland.

18 bishaan July ayaa xildhibaan Canjeex iyo ilaaladiisa waxaa jidgooyo u dhigtay ciidamo katirsan maamulka Somaliland xilli xildhibaanka uu kusii jeeday magaalada uu kasoo jeedo ee Dhahar.

Puntland iyo Somaliland oo baratamihii bishaan ciidamadooda ku sugan gobolka Sanaag ay isku dhaceen ayaa maalmo kadib heshiis ku gaaray in ciidamada lagala qaado si loo joojiyo dagaal labada maamul dhexmara oo uu ku daato dhiig badan.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*