Qatar oo sheegtay in ay soo celin doonto safiirkeedii u fadhiyay Iran

Wasiirka Arrimaha Dibada Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani. [Xigashada Sawirka: BBC]
Doha-(Puntland Mirror) Qatar ayaa sheegtay shalay oo Arbaco ahayd in ay go’aansatay in ay soo celiso safiirkeedii Tehran, in ka badan 20 bilood markii ay Qatar dib ugu yeeratay safiirkeeda kadib markii safaarada Sucuudi Caraabiya ee ku taalay gudaha Iran ay boobeen dad mudaharaadayay oo ka xanaaqsanaa dilka hoggaamiye Shiici ah oo Sucuudigu dilay.

Go’aanka Qatar ayaa imaanaya iyadoo bartanka looga jiro khilaaf u dhaxeeya Qatar iyo wadamo Khaliijka katirsan oo ay kamidyihiin Sucuudi Caraabiya, Baxrayn iyo Isutaga Imaaraatka Carabta, oo ay waheliso Masar.

“Qatar waxay ogeysiin in ay safiirkeedii u joogay Tehran uu soo noqon doono si uu u sii wado wajibaadka diblomaasiyadeed,” xafiiska warfaafinta Wasaaradda Arrimaha Dibada Qatar ayaa sidaa ku yiri bayaan ay ku daabacday mareegteeda. Isaga oo intaas ku sii daray in Doha ay doonayso sidii ay u adkayn lahayd dhammaan xiriirka ay la leedahay Jamhuuriyada Islaamiga ah ee Iran.

Xafiiska warfaafinta ayaa sidoo kale sheegay in Wasiirka Arrimaha Dibada Qatar Sheikh Mohammed bin Abdulrahman al-Thani uu khadka taleefoonka kala xaajooday xiriirka labada dal u dhaxeeya iyo sidii loo xoojin lahaa dhiggiisa Iran Javad Zarif.

Qatar waxay dib ugu yeertay safiirkeeda u joogay Tehran bishii Janaayo ee sanadkii hore kadib markii Sucuudi Caraabiya uu xiriirka u jaray Iran, isaga oo ku eedeeyay in ay ku fashilmatay in ay difaacdo safaarada Sucuudiga uu ku lahaa Tehran taasoo ay boobeen dad banaaanbaxayay oo ka caraysnaa hoggaamiye sare oo Shiici ah oo Sucuudigu dilay oo lagu eedeeyay argagixisanimo.

Wasaaradda Arrimaha Dibada Qatar ma aysan sheegin marka ay soo celin doonto safiirkeeda Qatar.

Iran ayaa u ogolaatay diyaaradda Qatar in ay isticmaasho hawadeeda waxayna u dirtay cunnooyin Qatar kadib markii Sucuudi Caraabiya, Isutaga Imaaraatka Carabta, Baxrayn iyo Masar ay xiriirka ganacsi iyo midka diblomaasiyadeed u jareen Qatar bishii June ee sanadkan.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 240 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*