Madaxweynaha dowladda Puntland oo u jeediyay beelaha ku diriraya magaalada Buuhoodle in ay joojiyaan colaada

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali oo ku sugan dalka Sucuudi Caraabiya si uu guto acamaasha xajka ayaa u jeediyay beelaha ku diriraya gudaha magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn in ay joojiyaan colaada.

Madaxweyne Cabdiweli ayaa u sheegay beelahaas colaadu ka dhaxayso in aan loo baahnayn in la daadsho dhiiga dadka walaalaha ah ee wada dhashay, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha ayaa u jeediyay dowladda iyo dadka shacabka ah in ay ka qeyb qaataan sidii loo joojin lahaa colaada oo wadahadal lagu dhammeeyo khilaafka.

Shalay oo Sabti ahayd, ugu yaraan lix qof ayaa lagu dilay dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo deegaanka ah oo ka dhacay gudaha magaalada Buuhoodle.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*