14 askari oo Turki ah oo lagu dilay dagaal dhexmaray maleeshiyada ISIS oo ka dhacay gudaha Suuriya

Ciidamada Turkiga ayaa gudaha u galay dalka Suuriya bishii lasoo dhaafay ee Agoosto. [Sawirka: Reuters]
Ankara-(Puntland Mirror) Afar iyo toban askari oo Turki ah ayaa lagu dilay dagaal culus oo dhexmaray kooxda ISIS sidoo kale loo yaqaan Daacish, sida ay sheegeen ciidamada Turkiga.

Dagaalka ayaa shalay oo Arbaco ahayd waxa uu ka dhacay magaalada al-Bab oo kutaala gudaha dalka Suuriya.

Sidoo kale waxaa dagaalkaas ku dhaawacmay 33 askari oo Turki ah, sida ay wararku sheegayaan.

Ciidamada Turkiga ayaa sheegay in maleeshiyada Daacish ay ka dileen ku dhawaad 138 dagaalyahan, balse warkaas si buuxda looma xaqiijin karo.

Waa khasaarihii ugu badnaa oo soo gaara ciidamada Turkiga hal maalin, tan iyo markii ay howlgalka milatari ku qaadeen gudaha Suuriya bishii lasoo dhaafay ee Agoosto.

Turkiga ayaa markii kowaad taangiyadiisu waxa ay ka gudbeen xadka Suuriya bishii lasoo dhaafay ee Agoosto, si ay ula dagaalamaan dagaalyahanada kooxda ISIS iyo xoogaga Kurdiyiinta ee ku sugan gudaha Suuriya, kuwaasoo sheegtay masuuliyada weeraradii ugu dambeeyay argagixiso oo dhiig badan ku daatay oo ka dhacay gudaha magaalooyinka Turkiga.

 

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*