Madaxweynaha dowlada Puntland oo la kulmay safiirka Isutaga Imaaraatka Carabta u fadhiya Soomaaliya

kulan
Madaxweynaha Puntland iyo safiirka Imaaraatka oo isa salaamaya. Sawirka: xafiiska warfaafinta madaxtooyada.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowlada Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kulan la qaatay safiirka Isutaga Imaaraatka Carabta u fadhiya dalka Soomaaliya Maxamed Al-Cutmaani.

Kulanka ayaa ka dhacay xarunta safaarada Imaaraatka ay ku leeyihiin caasimada Soomaaliya, Muqdisho.

Waxaa Madaxweynaha kala qaybgalay kulanka guddoomiye ku-xigeenka kowaad ee baarlamaanka Puntland Cabdixamiid Shiikh Cabdisalaam.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay xiriirka u dhaxeeya dowlada Puntland iyo dalka Isutaga Imaaraatka Carabta, waxaana la isku waafaqay in la xoojiyo xiriirka ganacsi iyo nabadgelyo ee ka dhaxeeya Puntland iyo Isutaga Imaaraatka Carabta.

Isutaga Imaaraatka Carabta ayaa bixiya dhaqaalaha ku baxa ciidamada la dagaalanka burcadbadeeda Puntland ee PMPF, kuwaasoo kaalin weyn ka geystay la dagaalankii burcadbadeeda ka howlgali jirtay xeebaha Puntland.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*