Puntland oo shaybaar cilmiyeedka dambiyada ee ugu horeeyay ka sameysay gudaha magaalada Garoowe

Shaybaar cilmiyeedka dambiyada ee Puntland. [Xigashada Sawirka: Shareeco Yaasiin Shareeco]
Garoowe-(Puntland Mirror) Puntland ayaa shaybaar cilmiyeedka dambiyada ka sameysay gudaha magaalada Garoowe, sida ay sheegtay Wasaaradda Caafimaadka Puntland.

Shaybaarka ayaa baari doona oo kala saari doona dambiyada iyada oo loo marayo qaab saynis ah, sida ay sheegeen saraakiisha Wasaaradda Caafimaadka.

Farsamoyaqaanada shaybaarka ayaa awood u yeelan doona in ay xogtooda u sharaxaan garyaqaanada iyo dambi baarayaasha iyo sidoo kale saraakiisha fulinta sharciga.

Waa shaybaarkii ugu horeeyay ee dambiyada oo laga furo gudaha Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*