Soomaaliya oo martigelin doonta bisha September shir madaxeedka IGAD

Somalia hos IGAD summit
Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Soomaaliya ayaa martigelinaysa shir madaxeedka urur goboleedka IGAD kaasoo la qorsheeyay inuu dhaco bartamaha bisha September ee sanadkan, sida uu sheegay Madaxweynaha.

Soomaaliya ayaa la siiyay in ay martigeliso shirka IGAD kadib markii madaxda wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ay kulan ku yeesheen magaalada Addis Ababa shalay oo Jimce ahayd.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud oo maanta oo Sabti ah kusoo noqday Muqdisho, ayaa sheegay in shirka soo socda ee madaxda dowladaha ku bahoobay IGAD lagu qaban doono caasimada Soomaaliya, Muqdisho.

Bartamihii bishii Janaayo sanadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka, todobo wasiir dibadeed oo ka socda wadamada ku bahoobay urur goboleedka IGAD ayaa ku kulmay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya ku dhawaad 25-sanno kadib.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*