Maxkamad kutaala Turkiga oo soo saartay damaanad-qaad lagu soo qabanayo Fetullah Gulen

Fethullah Gulen
Futhullah Gulen. Sawirka: Gettyimages.

Ankara-(Puntland Mirror) Maxkamad kutaala Dalka Turkiga ayaa soo saartay damaanad-qaad rasmi ah oo lagu soo qabto wadaadka fadhigiisu yahay dalka Maraykanka, ee Futhullah Gulen, kaasoo dowlada Ankara ay ku eedaysay inuu ka dambeeyo isku-daygii afgembigii dhicisoobay oo dhawaan ka dhacay Turkiga, kaasoo ay ku dhinteen in ka badan 270 qof.

Wakaalada wararka dowlada Turkiga Anadolu ayaa sheegtay maanta oo Khamiis ah in maxkamad kutaala Istanbul ay soo saartay damaanad-qaad lagu soo qabanayo Gullen.

Gulen ayaa diiday inuu ku lug lahaa isku-dayga afgembiga fashilmay oo dhacay 15-kii bishii lasoo dhaafay ee July.

Dowlada Turkiga wali si rasmiya uma aysan weydiisan Maraykanka codsi ah in Turkiga dib loogu soo cesho Fetullah.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*