Haweenka Soomaaliyeed oo difaacay qoondada laga siiyay baarlamaanka

batuulo
Guddoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed Mrs Batuula Axmed Gaballe. [Sawirka: Puntland Mirror]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Hoggaanka haweenka Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in la joojiyo siyaasadaynta qoondada haweenka ee 30 boqolkiiba.

Haweenka ayaa ku eedeeyay kuwa kasoo horjeeda qoondada in ay siyaasad ahaan u isticmaalayaan si qoondadooda ay ku leeyihiin kuraasta baarlamaanka loo xaqiro.

Guddoomiyaha ururka haweenka Soomaaliyeed Mrs Batuula Axmed Gaballe ayaa sheegtay in haweenka Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin in ay ka qaybgalaan siyaasada dalka si ay uga qayb qaataan dib u dhiska dalkooda.

Hadalka guddoomiyaha haweenka ayaa yimid labo maalmood kadib markii qayb kamid ah culimada Soomaaliyeed ay sheegeen in qoondada ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin doorashada soo socota ay tahay mid kahor imaanaysa caqiidada Islaamka.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*