Duqii hore ee Muqdisho Muungaab oo loo magacaabay wasiir dowlaha cadaalada DFS

Muungaab
Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab).

Muqdisho-(Puntland Mirror) Raysulwasaaraha dowlada federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa u magaacabay Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab) wasiir dowlaha cusub ee wasaarada cadaalada Soomaaliya.

Sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha dowlada federaalka Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud, Madaxweynaha ayaa ogolaaday magacaabida Raysulwsaaraha uu u doortay Muungaab wasiir dowlaha cadaalada.

Xasan Maxamed Xuseen (Muungaab), ayaa horey u soo noqday taliyaha maxkamada ciidamada qalabka sida iyo duqii hore ee Muqdisho.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*