Muran badeedka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya oo bilaabmay

Garsoorayaasha maxkamada caalamiga ah ee cadaalada (ICJ) ee magaalada Hague ee dalka Holland.

Hague-(Puntland Mirror) Dacwada lahaanshaha muranka badda ee u dhaxeeya wadamada Soomaaliya iyo Kenya ayaa maanta oo Isniin ah si rasmiya uga bilaabmatay maxkamada caalamiga ah ee cadaalada (ICJ) ee magaalada Hague ee dalka Holland.

Soomaaliya ayaa doonaysa in xadka badda lagu saleeyo cabir ku dherersan dhulka, halka Kenya ay rabto xad badeedka in lagu saleeyo diilin toosan oo dhanka bariga ah, xuduudkaas oo jiri jiray kahor sanadkii 1924-tii.

Kenya ayaa doonaysa in dacwada lagu saleeyo heshiis is-fahan oo ay la gashay Soomaaliya sanadkii 2009, kaasoo sheegaya in muranka lagu saleeyo wadahadal aan la geyna maxkamad.

Soomaaliya ayaa waxaa difaacaya garsoore Maraykan ah oo la dhaho Paul Reichler iyo Prof Allain Pellet oo Faransiis ah, halka Kenya ay wakiil u yihiin xeer ilaaliyaha guud ee Kenya Githu Muigai iyo sharci yaqaano caalami ah.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*