Madaxweynaha Soomaaliya oo u safri doona Masar

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. [Xigashada Sawirka: Villa Somalia]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u safri doona magaalada Qaahira beri oo Axad ah kadib martiqaad uu ka helay dhiggiisa dalka Masar Cabdulfataax al-Sisi, sida ay ku warantay idaacada dowladdu maamusho ee Radio Muqdisho maanta oo Sabti ah, iyada oo soo xiganaysa saraakiil katirsan safaarada Soomaaliya ee kutaala Qaahira.

Labada hoggaamiye ayaa wada yeelan doona kulamo ay kaga wadahadlayaan xiriirka ka dhaxeeya labada dhinac iyo si lamid ah arrimaha gobolka iyo caalamka.

Farmaajo ayaa la kulmi doono bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Masar inta uu ku guda jiro safarkiisa Masar, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*