Haayada duulista hawada Soomaaliya oo mamnuucday duulimaadyada Kismaayo laga bilaabo 23 September ilaa 26

Garoonka diyaaradaha Kismaayo. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Haayada duulista hawada Soomaaliya ayaa mamnuucday dhammaan duulimaadyada Kismaayo laga bilaabo 23 September ilaa 26, sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay haayada maanta oo Isniin ah.

Qoraalka laguma sheegin sababta keentay in la mamnuuco duulimaadyada magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland. Horey ayaa dhammaan diyaaradaha u socda iyo kuwa ka imaanaya Kismaayo lagu amray in ay maraan garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Tilaabadan ayaa daba socotay go’aan ay dowladda federaalka Soomaaliya Axadii kaga hor istaagtay madaxweynihii hore Shiikh Shariif Shiikh Axmed in uu tago Kismaayo.

Sidoo kale tilaabada ayaa imaanaysa iyadoo ay Kismaayo ka socoto diyaargaroowga munaasibada caleemosaarka Axmed Maxamed Islaam oo dabayaaqadii bishii la soo dhaafay dib loo doortay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*