Puntland oo cambaaraysay is-hortaaga socdaal ee lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Dowladda Puntland ayaa bayaan ay soo saartay ku cambaaraysay is hortaaga socdaal ee lagu sameeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

“Falka ay dowladda federaalka Soomaaliya kula kacday madaxweynihii hore ee Soomaaliya mudane Shiikh Shariif Shiikh Axmed wuxuu jebinayaa sharciga dastuurka dowladda federaalka ah,” ayaa lagu yiri bayaanka oo soo baxay caawa fiidkii.

“Tani waxay sidoo kale dhaawac weyn ku tahay geedi socodka siyaasadda Soomaaliya oo heerkan ku soo gaartay wadahadal, isu tanaasul iyo in lagu shaqeeyo marxalado kala duwan, iyadoo la kala aragti duwanyahay.” Bayaanka ayaa intaas ku sii daray.

Puntland ayaa sidoo kale sheegtay in ay falkaas u aragto ku tagri fal awoodeed iyo in madaxda dowladda federaalka Soomaaliya ee hadda talada haysa ay siyaasad u isticmaalaan awoodaha dowliga sida hantida dadka ka dhexeysa, ciidanka, dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.

Maanta oo Axad ah ayaa madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed loo diiday in diyaarada siday ay u duusho magaalada Kismaayo halkaas oo uu rabay in uu kaga qeybgalo caleemosaarka madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo dabayaaqadii bishii la soo dhaafay dib loo doortay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*