Wariye Cumar Dheere oo xabsiga laga sii daayay

Wariye Cumar Maxamed. [Sawirka: Facebook/omarmohamed]
Garoowe-(Puntland Mirror) Wariye Cumar Maxmed oo loo yaqaan Cumar Dheere ayaa maanta oo Sabti ah xabsiga laga sii daayay kadib muddo lix beri ah oo uu ku xirnaa xabsi kuyaala gudaha magaalada Garoowe.

Maxkamada gobolka Nugaal ayaa amar ku bixisay in wariyaha la sii daayo kadib markii ay ogaatay in aysan jirin wax dacwad ah oo ka dhan ah wariyaha.

6 bishaan Agoosto ayaa ciidamada ammaanka Puntland Garoowe ku xireen Cumar oo la shaqeeya Horseed Media iyo Somali Cable TV.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*