Diyaarad sida lacag badan oo kaash ah oo lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho

Diyaaradda lacagta siday ee lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho. [sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada ammaanka ee ku sugan garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa galabta oo Axad ah qabtay diyaarad siday lacag malaayin dollar ah oo aan la xaqiijin tiradeeda, sida ay sheegayaan ilo-wareedyadu.

Diyaarada ayaa ka timid dalka Isutaga Imaaraatka Carabta. Lama yaqaan ilaa iyo hadda halka ay lacagtu ku socotay.

Ilo-wareedyo madaxbanaan ayaa sheegaya in lacagta la dhigay Bangiga Dhexe Ee Soomaaliya, lana bilaabay baaritaan.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*