Ugu yaraan afar qof oo ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay xarun degmo oo kutaala Muqdisho

Baabuur ku waxyeelobay qaraxa lala beegsaday xarunta degmada War-dhiiglay, May 14, 2019. [Isha Sawirka: Twitter]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay qarax gaari oo ka dhacay magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen ciidamada booliiska.

Qaraxa ayaa maanta oo Talaado ah lala beegsaday xarunta degmada Warta-nabada oo horey loo oran jiray War-dhiiglay, sida ay sheegtay Sakiya Xuseen oo ah taliye ku xigeenka ciidanka booliiska Soomaaliya.

“Abaaro 11-kii subaxnimo maanta ayaa baabuur noociisa yahay Toyota Noah isku qarxiyay degmada Warta-nabada halkaas ay ku dhinteen 4 qof sidoo kalena ku dhaawacmeen 9 qof intaan xaqiijinay.” Sidaa waxaa tiri Sakiya Xuseen.

Qiiqa ka dhashay qaraxa oo u ekaaday daruuraha ayaa la arki karayay isaga oo cirka isku shareeray.

Qiix cirka isku shareeray qaraxa kadib. [Isha sawirka: Twitter]
Qaraxan ayaa ahaa kii ugu horeeyay ee gaari walxaha qarxa laga soo buuxshay oo ka dhacay Muqdisho intii lagu guda jiray bishaan barakeysan ee Ramadaan, markaas oo maleeshiyada Al-Shabaab ay kordhiyaan weeraradooda.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*