Baarlamaanka Soomaaliya oo Isniinta kulan yeelan doona si ay cod ugu qaadaan mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Jawaari

Baarlamaanka Soomaaliya. [Sawirka]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Baarlamaanka Soomaaliya ayaa beri oo Isniin ah yeelan doona kulan si ay cod ugu qaadaan mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari, sida uu fariin xubnaha baarlamaanka loo diray uu ku sheegay guddoomiye ku xigeenka Muudey.

Sabtidii, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la kulmay xildhibaano taageersan guddoomiye Maxamed Shiikh Cusmaan Jawaari. Madaxweynaha iyo xildhibaanada ayaa ka wadahadlay sidii loo xalin lahaa khilaafka u dhaxeeya baarlamaanka iyo golaha wasiiradda.

Maalmihii lasoo dhaafay khilaaf xoogan ayaa ka dhexjiray baarlamaanka iyo xukuumadda kadib markii qaar katirsan golaha baarlamaanka oo u badan wasiiro ay keeneen mooshin lagu ceyrinayo Jawaari.

Asbuucii lasoo dhaafay kulamo lagu balansanaa in baarlamaanka ay ku yeeshaan Muqdisho si ay codka kalsooni siinta ah ugu qaadaan guddoomiye Jawaari, ayaa qabsoomi waayay.

Khilaafka oo muddo bil ka badan jira, ayaa dib u dhac ku keenay howlihii shaqo ee dowladda federaalka Soomaaliya ee fadhigeedu yahay Muqdisho.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*