Puntland: reer guuraa ku barakacay abaarta kadib markii uu ka baxay maalkii soofi jirey

qoysas
Qoysas xoolo dhaqato ah oo ku barakacay abaarta gobolka Karkaar. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Boqolaal qoys oo xoolo dhaqato ah ayaa ku barakacay abaarta daran ee ka jirta gobolada Puntland.

Dadka ayaa u guuray deegaanada tuulooyinka ah ee ka ag dhaw kadib markii uu ka baxay maalkii soofi jirey ee ay lahaayen abaarta dareteed.

Gobolada ugu daran ee ay dadka ka barakaceen ayaa waxaa kamid ah gobolka Karkaar, Sanaag iyo Nugaal.

Abaartii ugu darnayd muddo 15 sanno gudahood ah ayaa ka jirta gobolada Puntland, iyadoo ay xilli roobaadkii Deyrta aysan si fiican uga da’in gobolada Puntland.

Maanta oo Isniin ah ayaa dhammaan gobolada Puntland waxaa la iclaamiyay in la roob doono oo Ilaahay laga baryo raxmadiisa.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*