Daacish oo sheegatay masuuliyada dilka guddoomiyihii hore ee degmada Qandala

Guddoomiyihii hore ee Qanadala Jaamac Maxamed Khuurshe. [Sawir Hore]
Garoowe-(Puntland Mirror) Maleeshiyada Daacish ayaa sheegatay masuuliyada dilka guddoomiyihii hore ee degmada Qandala, sida lagu sheegay qoraal ay daabacday wakaalada wararka Daacish ee Acmaaq maanta oo Khamiis ah.

Jaamac Maxamed Khuurshe, guddoomiyihii hore ee degmada Qandala, ayaa waxaa toogasho ku dilay niman baastoolado ku hubeysan gudaha magaalada Boosaaso fiidnimadii Talaadada, gacan ku dhiiglayaasha ayaa ka baxsaday goobta toogashada kadib, sida ay ilo-wareedyadu sheegeen.

Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa goobta tagay daqiiqado kadib, balse ma jiraan cid la xiray ilaa iyo hadda.

Khuurshe ayaa ahaa guddoomiyihii Qandala markii ay Daacish oo sidoo kale loo yaqaan ISIS ay weerartay oo qabsatay degmo xeebeedka bishii Oktoobar ee sanadkii 2016, kahor inta aysan dib uga qabsan ciidamada Puntland bishii December ee isla sanadkaas.

Garabka Daacish ee Puntland ku sugan, taasoo asaasmatay bishii Oktoobar ee sanadkii 2015, ayaa waxaa hoggaamiya Cabdulqaadir Muumin, oo horey u ahaa sargaal Al-Shabaab ah. Waaxda Difaaca Mareykanka ayaa ku dartay Muumin liiska argagixisada adduunka. Ku xigeenkiisii Cabdixakiin Dhuqub ayaa lagu dilay duqeyn uu Mareykanku geystay bishii April 2019.

Maleeshiyada oo loo maleynayo in ay haysato ku dhawaad 100 dagaalyahan, ayaa saddexdii sanno ee u dambeysay sheegatay masuuliyada ficilo argagixiso oo ay kamidyihiin dilal iyo qaraxyo oo badankood ka dhacay gudaha Boosaaso, ee xarunta ganacsiga Puntland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*