Puntland iyo Somaliland oo ku dagaalamay gobolka Sanaag: Warbixin

sanaag
Gobolka Sanaag.

Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamada Puntland iyo Somaliland ayaa maanta oo Isniin ahayd ku dagaalamay gobolka Hayland, sida ay sheegeen dadka deegaanka iyo saraakiisha.

Dagaalka u dhaxeeya labada dhinac oo la isku adeegsaday hubka culus ayaa bilaabmay subaxnimadii hore ee Isniinta wuxuuna socday ilaa iyo duhuradii, sida ay sheegeen dadka deegaanka.

Qof dadka deegaanka ah oo jooga magaalada Dhahar ee gobolka Hayland ayaa khadka taleefoonka ugu sheegay warsidaha Puntland Mirror inuu maqlayay dhawaaq qoryaha waa-weyn maanta gelinkii hore.

Guddoomiyaha gobolka Hayland ee Puntland Maxamed Faarax Janteelo oo la hadlay warbaahinta maxaliga ah ayaa ku eedeeyay maamulka Somaliland in ay dagaalka bilaabeen, kaasoo ka dhacay deegaanka Booda-cade ee gobolka Hayland.

Hal askari oo Puntland ah ayuu sheegay guddoomiyaha inuu dagaalka ku dhaawacmay.

Dhanka kale, maamulka Somaliland ayaa ku eedeeyay dhinaca Puntland inuu dagaalka bilaabay, taliyaha ciidamada maamulka Somaliland oo la hadlay laanta Af-Soomaaliga ee BBC ayaa sheegay in gawaari iyo maxaabiis uu ku jiro nin xildhibaan ah ay ka qabteen Puntland.

Dagaalka ayaa yimid maalin kadib markii dowlada Puntland ay ku eedaysay Somaliland in ay qalalaase ka wado xuduudaheeda gobolada Sanaag iyo Hayland.

Garoowe, baarlamaanka dowlada Puntland ayaa u yeeray madaxweyne ku-xigeenka si ay su’aalo u weydiiyaan ku saabsan dagaalka kasoo cusboonaaday gobolada Sanaag iyo Hayland.

sanadkii 2007-dii ayaa u dambaysay dagaal labada maamul ku dhexmara gobolka Sanaag Bari.

labada maamul ayaa ku muransan lahaanshaha goboladaas, iyadoo dadka deegaanka 80% ay taageersanyihiin Puntland.

Ugu dambayna, dowlada Puntland wali si rasmiya ugama hadlin dagaalka.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*