Madaxweynaha Puntland: Waxaan balan qaadaynaa in dhulkayaga aanu ka sifayno Al-Shabaab iyo Daacish

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Xigashada Sawirka: Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland ayaa wacad ku maray in Puntland ay dagaal la geli doonto kooxaha hubaysan ee dhibbaatooyinka ka wada gudaha Puntland.

Isaga oo warbaahinta la hadlayay maanta oo Jimce ah Cabdiweli Maxamed Cali ayaa yiri: “Waxaan u sheegayaa dad weynaha Puntland meel kasta oo ay joogaanba inay u diyaar garoobaan dagaal adag oo ka dhan ah burcad dimeedka kusoo duuley dalkooda, dowladda Puntland iyo shacabkeedu waysku filanyihiin, waana isku filaan jireen in ay iska difaacaan shar-wadayaasha, waxaa balan igu ah oon balan qaadaynaa in dhulkayaga aanu ka sifayno Al-Shabaab, Daacish iyo intii u soo dulaan tagtay in ay gumaado shacabkayaga,”

Tilaabadan ayaa imaanaysa maalin kadib markii ugu yaraan 35 askari oo katirsan ciidamada Puntland iyo dad kale oo shacab ah lagu dilay weerar ay maleeshiyada Al-Shabaab ku qaadeen saldhiga ciidan ee Af urur oo kuyaala gudaha buuraha Galgala, weerarka ayaa ahaa kii ugu dambeeyay dhibbaatooyinka Al-Shabaab ee ka dhanka ah Puntland, waxaana uu ahaa weerarkii ugu dhimashada badnaa oo hal maalin soo gaara Puntland tan iyo markii sanadkii 2010-kii uu bilaabmay dagaalka u dhaxeeya Puntland iyo maleeshiyada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*