Ciidamo hubaysan oo qabsaday xarunta baarlamaanka Puntland ee Garoowe

Xarunta baarlamaaka Puntland. [Sawirka: Puntland Mirror]
Xarunta baarlamaaka Puntland. [Sawirka: Puntland Mirror]
Garoowe-(Puntland Mirror) Ciidamo aad u hubaysan ayaa maantay oo Axad ah la wareegay xarunta baarlamaanka Puntland, sida goobjoogayaal ay u sheegeen warsidaha Puntland Mirror.

Ma cadda sababta keentay in ciidamadu ay qabsadaan xarunta, balse wararka ayaa sheegaya in ay ka xanaaqsanyihiin kadib markii ay dowladdu siin weyday mushahaarkoodii.

Ciidamada ayaa ilaa iyo 15 xubnood oo baarlamaanka katirsan ku haysta gudaha xarunta baarlamaanka, sida ilo-wareedyo ku dhow baarlamaanka ay u sheegeen Puntland Mirror.

Ciidamada gadoodsan ayaa ka yimid magaalada Gaalkacyo, mana aysan helin mushahaar in ka badan muddo sanad ah, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

About Puntland Mirror 877 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*