Madaxweyne Farmaajo oo u safray Sucuudi Caraabiya si uu uga qeybgalo shir-weynaha u dhaxeeya Wadamada Carabta iyo Mareykanka

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. [Sawirka: Archive]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa maanta oo Axad ah u safray dalka Sucuudi Caraabiya si uu uga qeybgalo shir-weynaha u dhaxeeya Wadamada Carabta iyo Mareykanka, kaasoo lagu qaban doono magaalada Riyadh.

Farmaajo ayaa casumaad ka helay Boqorka Sucuudiga, Salman Bin Abdulaziz AlSaud.

Sida wararku ay sheegayaan, shirka ayaa diirada lagu saari doonaa arrimaha muhiimka ah ee dhanka dhaqaaalaha iyo ammaanka oo ay wajahayaan wadamada Islaamka ah ee Carbeed iyo Mareykanka.

Inta uu ku guda jiro safarkiisa Sucuudiga, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in uu la kulmo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump kaasoo horey u tagay magaalada Riyadh si uu uga qeybgalo shirka u dhaxeeya dalkiisa iyo wadamada Carabta.

About Abdi Omar Bile 748 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*