Ciidamada Mareykanka oo sheegay in labo katirsan Al-Shabaab ay ku dileen duqeymo ka dhacay koonfurta Soomaaliya

Maleeshiyada Al-Shabaab. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in labo katirsan xagjiriinta Al-Shabaab ay ku dileen afar duqeymood oo ka dhacay gudaha Soomaaliya.

Duqeymaha ayaa lagu burburshay bar-kantaroolo iyo meelo kale oo ay maleeshiyadu u adeegsan jirtay uruurinta canshuuraha si ay ugu maalgeliyaan dhaqdhaqaaqyadooda argagixiso ee gudaha Soomaaliya.

Sida ay bayaan ku sheegeen taliska Mareykanka ee Afrika, labo duqeymood ayaa ka dhacay deegaanka Kuunya Barow, oo qiyaas ahaan 250 kiilomitir dhanka koonfur-galbeed kaga beegan magaalada Muqdisho. Duqeyn kale ayaa ka dhacday Awdheegle, oo dhanka galbeed 50 kiilomitir ka xiga Muqdisho, halka duqeynta afraad ay ka dhacday deegaanka Janaale, oo qiyaas ahaan 75 kiilomitir koonfur-galbeed kaga beegan Muqdisho.

Ma jirto wax shacab ah oo khasaare kasoo gaaray weerarada, sida lagu sheegay bayaanka.

Ciidamada Mareykanka ayaa sanadkan qaaday ugu yaraan 16 duqeymood oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*