Dagaalka ayaa subaxnimadii hore ka qarxay deegaanka Dhumay, oo qiyaastii 35 mayl dhanka koonfurta kaga beegan magaalada Laascaanood.
Waxaa laga cabsi qabaa in dagaalka uu ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh, sida ay wararku sheegayaan.
Bishii lasoo dhaafay ee September, ayaa dagaal kan lamid ah oo u dhaxeeya maleeshiyo beeleed deegaanka ah uu ka dhacay halkaas.
Isku dhacyada u dhaxeeya maleeshiyooyinka maxaliga ah oo ka dhaca deegaanka ayaa waxaa sababa muran ka dhasha daaqa iyo biyaha iyo aanooyin.