Wasiirka Batroolka Soomaaliya oo sheegay in howlgalada shidaal baarista Soomaaliya ay noqon doonaan kuwo daah-furan

Wasiirka Batroolka Dowladda Federaalka Soomaaliya Cabdirashiid Maxamed Axmed. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiirka Batroolka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in howlgalada shidaal baarista Soomaaliya ay noqon doonaan kuwa daah-furan, sida ay ku warantay warbaahinta dowladda maanta oo Talaado ah.

Cabdirashiid Maxamed Axmed ayaa cadeeyay in weli aan la gaarin xilligii la bilaabi lahaa howlgalada shidaalka Soomaaliya, maxaa yeelay weli waxaa dhiman howlo muhiim ah oo u baahan in la dhammaystiro.

Hadalkiisa ayaa imaanaya maalin kadib markii warbixin ay daabacday wakaalada wararka Reuters ku soo xigatay Madaxweynaha Turkiga oo sheegaya in Soomaaliya ay Turkiga ku casuntay in uu shidaal ka baaro badaheeda.

Waxa uu sheegay in Soomaaliya ay xiriir wanaagsan la leedahay Turkiga, balse arrinta shidaal barista Soomaaliya ay noqon doonto mid aan cadaalad ah iyadoo aan cid gaar ah la door bidin.

Sharciga shidaalka Soomaaliya ayaa waxaa meelmariyay haayadaha sharci-dejinta dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana uu hadda sugayaa saxiixa madaxweyne si uu noqdo mid rasmi ah.

Balse sharciga ayaa waxaa ka soo horjeestay dowlad goboleedyada kala ah Puntland, Jubbaland iyo Galmudug, kuwaasoo sheegay in loo maray hab khaladan, iyadoo aan la tashi lala samayn.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*