Bisha barakaysan ee Ramadaan oo laga arkay gudaha Soomaaliya

Bisha barakaysan ee Ramadaan oo laga arkay gudaha Soomaaliya. [Sawirka: Archive]
Garoowe-(Puntland Mirror) Bisha barakaysan ee Ramadaan ayaa laga arkay gudaha Soomaaliya gaar ahaan gobolada Puntland, gobolada dhexe, gobolada Koonfur-galbeed iyo Somaliland, dadka deegaanka ayaa u sheegay warsidaha Puntland Mirror.

Masuuliyiinta Soomaalida ayaa iclaamiyay in maalinta kowaad ee Ramadaan ay kowtahay beri oo Sabti ah.

Gudaha dalka, masaajidyada ayaa bilaabay salaada Taraawiixda, taasoo la tukado inta lagu guda jiro bisha barakaysan.

Ramadaan waa bisha sagaalaad ee jadwalka taariikhda Islaamka markaas oo ay Muslimiinta ku nool caalamka oo dhan ay soomaan laga bilaabo ooga hore ilaa aasku ka madoobaado.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*