Maraakiib dagaal oo ka socda Spain iyo France oo yimid xeebaha Soomaaliya si ay uga qaybqaataan la dagaalanka burcadbadeeda

33493878611_168de002ae_b
Maraakiib dagaal oo ka socda Spain iyo France oo yimid xeebaha Soomaaliya si ay uga qaybqaataan la dagaalanka burcadbadeeda. [Photo Credit: EUNAVFOR]
Garoowe-(Puntland Mirror) Intii lagu guda jiray asbuucyadii u dambeeyay maraakiib dagaal oo ka socda wadamo Yurub kuyaala gaar ahaan Spain iyo France ayaa soo gaaray xeebaha Soomaaliya, sida ay sheegeen ilo-wareedyadu.

Markab lagu magacaabo ESPS Galicia, oo Spain leedahay iyo Markab la dhaho FS Courbet oo France leedahay ayaa yimid biyaha Soomaaliya si ay u sameeyeen howlgalo lagula dagaalamayo burcadbadeeda, sida ay sheegeen howlgalka ciidamada badda ee Midowga Yurub EUNAVFOR ee ku sugan biyaha Soomaaliya.

Maraakiibta oo ay weheliyaan diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa howlgalo ilaalin ah ka geysan doona xeebaha ku dherersan xeebta Soomaaliya.

Dhanka kale, dowladda Puntland ayaa dhawaan deegaanada xeebaha u dirtay cutubyo ciidamo ah oo katirsan ciidanka badda ee PMPF si ay uga hortagaan falalka burcadbadeeda, sida sarkaal katirsan PMPF uu u xaqiijiyay warsidaha Puntland Mirror.

Kadib markii burcadbadeeda Soomaaliya horaantii bishaan Maarso ay afduubteen Markab ganacsi oo saliida qaada oo la dhaho Aris 13, waxaa muuqatay in burcadbadeeda Soomaaliya ay wali awoodaan in ay qaadi karaan weeraro lid ku ah maraakiibta ganacsi ee gooshaysa biyaha Bad-weynta Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

Tirada weeraradii burcadbadeeda Soomaaliya ayaa si weyn hoos ugu dhacday intii lagu guda jiray shantii sanno ee lasoo dhaafay.

Dhawaan, iyaga oo la hadlayay warbaahinta maxaliga ah, qayb kamid ah kalluumaysatada ku sugan xeebaha Puntland ayaa ku goodiyay in ay hubka qaadan doonaan mar labaad ayna ku noqon doonaan burcadbadeednimada si ay u la dagaalamaan waxa ay ugu yeereen “jariifayaasha ajaaniibta ah.”

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*