Madaxweynaha Mexico: Yeeli mayno wax derbi ah

Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Pena Nieto . [Sawirka: Archive]
Madaxweynaha dalka Mexico Enrique Pena Nieto . [Sawirka: Archive]
Mexico City-(Puntland Mirror) Hoggaamiyaha dalka Mexico Enrique Pena Nieto ayaa cambaareeyay tilaabada Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhaqaaqayo ee darbi dhiska, waxaana uu ku adkeystay in dalkiisu uusan qorshaynayn fulinta hawshaas.

“Waxaan ka xumahay haddana cambaareynayaa go’aanka Mareykanka ee ay ku rabaan dhismaha derbiga, waana mid na kala qeybinaya halka uu naga midayn lahaa,” Madaxweyne Enrique Pena Nieto ayaa fariintaas ka sheegay taleefishinka shalay oo Arbaco ahayd.

“Mexico ma aaminsana derbiyo. Waxaan sheegayaa mar labaad: Mexico fulin mayso wax derbi ah,” ayuu ku daray.

Qorshaha Trump ayaa sidoo kale waxaa si buuxda u cambaareeyay hoggaamiyaasha dalalka Latin Amerika.

Pena Nieto ayaa sidoo kale sheegay in uu faray 50 qunsiliyadood oo kuyaala gudaha Mareykana in ay la talin sharci u sameeyaan muhaajiriinta reer Mexico.

“Dadkayagu gelikood maahan. Dowladda Mexico waxay u fidinaysaa la talin sharci taasoo damaanad qaadaysa difaacida ay u baahanyihiin,” ayuu sheegay.

Shalay oo Arbaco ahayd, Trump ayaa saxiixay awaamiir lagu farayo dhismaha derbiga, laguna joojinayo dhammaan muhaajiriinta aaan sharciga haysan ee jooga gudaha magaalooyinka Mareykanka.

“Dal aan lahayn xuduud dal maahan… maanta laga bilaabo, Mareykanka waxay dib u la soo noqon doontaa xuduudooda.” Ayuu yiri Donald Trump.

About Abdirahman Abdullahi Sheikh 241 Articles
Senior foreign news editor at Puntland Mirror. Expertise in writing military reports, geopolitics, and crime reports. Sheikh holds a bachelor of economic management and sciences and a master's degree in international relationship from International Islamic University Malaysia (IIUM).You can reach him on: abdirahman.abdullahi91@gmail.com

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*