Baarlamaanka Puntland oo fasax galay inta lagu jiro bisha Ramadaan

Garoowe-(Puntland Mirror) xildhibaanada baarlamaanka Puntland ayaa fasax galay iyadoo baarlamaanka uu u fadhiyay kalafadhigooda 37-aad oo dhawaan ka furmay caasimada Puntland, Garoowe.

Xildhibaan Cabdikariim Guure Shaacuur oo katirsan xildhibaanada golaha baarlamaanka Puntland oo la hadlay idaacada maxaliga ah ee Raadiyo Garoowe ayaa sheegay in baarlamaanka uu fasax galay inta lagu jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

“Kalfadhiga ma xirmin laakiin fasax baa lagalay, la xiriira bisha Ramadaan oo hadda u sii janjeersatay tobankii dambe oo cibaadada iyo salaada iyo tahajudka, marka saasaa loo fasaxay wax kale oo shida ah ama sabab kale ma jirin.” Ayuu yiri xildhibaan Shaacuur.

Kalfadhiga 37-aad ee golaha baarlamaanka Puntland ayaa 15-kii bishan si rasmiya u furmay, waxaana ugu waa-weyn ajandayaasha looga hadli doono kalafadhiga la xisaabtanka xukuumada iyo ajanadayaal kale oo badan.

Golaha xildhibaanada Puntland oo ah cidda doorata labada masuul oo dowlada ugu sareeya, ayaa sanad walba yeesha labo kalafadhi oo rasmiya iyo kalafadhiyo mararka qaar aan caadi ahayn.

About Abdi Omar Bile 749 Articles
An online journalist and editor, with a decade of experience covering security and business issues, Puntland and entire Somalia.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*