Madaxweynaha Puntland oo kala diray golihii deegaanka degmada Garoowe

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka]
Garoowe-(Puntland Mirror) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kala diray golihii deegaanka ee degmada Garoowe maanta oo Khamiis ah, sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

“Markay cadaatay inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday kana bixi waayeen is qabqabsi, waxaa la kala diray golaha geegaanka degmada Garoowe.” ayaa lagu yiri bayaanka.

Madaxweynaha ayaa Axmed Maxamuud Ducaale u magacaabay duqa kumeelgaarka ah ee Garoowe, sida lagu sheegay bayaanka.

Tilaabada Madaxweynaha ayaa imaanaysa saacado yar kadib markii duqa degmada Xasan Maxamed Ciise Goodir iyo golaha deegaanka ay heshiis ka gaareen khilaaf u dhaxeeyay.

Golaha deegaanka ee la kala diray ayaa la dhisay bartamaha sanadkii 2015-kii iyaga oo isla markaas doortay guddoomiyahooda ahna duqa magaalada.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*