Tirada qaxootiyaasha caalamka oo meel sare gaartay markii ugu horeysay, sida ay sheegtay QM

Tirada dadka ku barakacay colaada ayaa gaartay meeshii ugu saraysay oo la diiwaangasho, sida ay sheegtay haayada Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga.

Waxaa lagu qiyaasay 65.3 milyan oo qof in ay midkood yihiin, qaxooti, nabadgalyo raadis ama dad gudaha ku barakacay, sanadkii dhamaaday ee 2015-ka, tirada sanadkaas korodhay ayaa ah 5 milyan.

Tiradan ayaa ka dhigan in hal qof uu qaxooti yahay 113-kii qof oo walba oo dunida ku nool, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Waa warbixin sanadeed, iyadoo maanta la xusayo maalinta qaxootiga caalamka, QM ayaa sheegtay in ay tahay markii kowaad oo tirada qaxootiyaasha caalamka ay kor u dhaafto 60 milyan.

In ka badan kala bar tirada qaxootigaas ayaa waxay ka yimaadeen saddex dal oo kala ah, Suuriya, Afkaanistaan iyo Soomaaliya.

Turkiga ayaa ah matrigeliyaha ugu badan ee qaxootiga caalamka isagoo martigeliyay 2.5 milyan oo qaxooti ah oo badankood Suuriya ka yimid.

In kabadan hal milyan oo qaxooti ah ayaa sanadkii hore ku yimid doonyo qaarada Yurub iyagoo kasoo gudbay badda Mediterranean-ka sida ay sheegtay haayada IOM.

About Puntland Mirror 876 Articles
Puntland Mirror is a website news provider based in Puntland’s capital, Garowe, Somalia. Puntland Mirror is an independent online source providing you the latest update stories from Puntland, Somalia and around the World.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*