Diyaarad ay leedahay Ethiopian Airlines oo burburtay

Ethiopian Airlines. [Sawir Hore]
Addis Ababa-(Puntland Mirror) Diyaarad ay leedahay shirkada Ethiopian Airlines ayaa burburtay iyada oo ku sii jeeday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Diyaradda ayaa ku burburtay meel u dhow magaalada Bishoftu, oo 62 kiilomitir dhanka koonfur-bari kaga beegan caasimada Addis Ababa.

Diyaaradda ayaa ka duushay garoonka diyaaradaha Bole ee Addis Ababa saacadu markii ay ahayd 8.38 am ee wakhtiga maxaliga ah.

“Howlgalo baaritaan iyo samatobixin ayaa socda mana hayno warbixin sax ah oo ku saabsan cid ka badbaaday ama khasaaraha,” sidaa ayaa diyaaradu ay bayaan ku sheegtay.

Diyaaradda oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayaa waxaa saarnaa 149 rakaab ah iyo sideed qof oo shaqaale ah.

Xafiiska Raysulwasaaraha Itoobiya ayaa bogga Twitter-ka tacsi u mariyay qoysaskii ay dadku kaga dhinteen burburka, inkasta oo uusan bixin faahfaahin dheeri ah.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*