13 qof oo ay ku jirto wariye Hodan Naaleeye oo ku dhintay weerar lagu qaaday huteel kuyaala magaalada Kismaayo

Wariye Hodan Naaleeye. [Sawir Hore]
Kismaayo-(Puntland Mirror) Ugu yaraan 13 qof ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerar lagu qaaday huteel kuyaala magaalada Kismaayo.

Huteelka la weeraray oo la dhaho Cascasey ayaa markii hore gaari laga soo buuxshay walxaha qarxa lala beegsaday xalay fiidkii iyada oo odayaal dhaqameed iyo xildhibaano ay halkaas ku shirayeen.

Qaraxa ayaa waxa daba socday dablay hubaysan oo gudaha u galay huteelka kuwaasoo ilaa xalay ka dagaalamayay.

Dadka weerarka ku dhintay waxaa kamid ah wariye Hodan Naaleeye oo ahayd asaasaha taleefishinka Integration, waxaa sidoo kale la dhintay ninkeeda oo la oran jiray Jaamac Fariid kaasoo xil wasiir ka soo qabtay maamulka Jubbaland, wariye Maxamed Sahal oo ahaa wariye katirsan TV-ka maxaliga ah ee SBC ayaa sidoo kale ku geeriyooday weerarkaas.

Ururka argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada weerarkaas ka dhacay gudaha Kismaayo, oo ah xarunta kumeel gaarka ah ee maamul goboleedka Jubbaland.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*