Kiisas cusub oo COVID-19 ah oo laga helay Soomaaliya, iyo dhimashada oo gaartay 16 qof

Wasiiradda Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abubakar. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) 42 kiis oo cusub oo coronavirus ah ayaa laga helay Soomaaliya maanta oo Khamiis ah, sida lagu sheegay bayaan lagu daabacay bogga Twitter-ka Somalia COVID-19 oo ay maamusho Wasaaradda Caafimaadka.

Labo qof ayaa xanuunka u dhintay maanta, bayaanka ayaa intaas ku daray, iyadoo aan la sheegin meesha ay ku dhinteen.

Xanuunka ayaa si tar-tartiib ah ugu faafaya bulshada dhexdeeda, iyadoo awaamiirta maamuladu soo rogeen oo ay kamid tahay joogista guryaha aysan shaqeynayn sababtoo ah dadka intiisa badan ayaa kunool gunnooyinka ay maalintii soo shaqeystaan.

Dhanka Puntland, masuuliyiinta dowladda ayaa sheegay in aysan jirin wax kiis ah oo la helay 24-saac ee la soo dhaafay, balse todob qof oo COVID-19 looga shakiyay la karantiilay lana baaray oo natiijadooda la sugayo.

Iyadoo maanta ay tahay Khamiis, tirada guud ee kiisaska COVID-19 ee laga helay gudaha Soomaaliya waa 328, 16 dhimasho ah, iyo ilaa lix qof oo ka bogsaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*