Shirkii Muqdisho oo baaqday kadib markii Madaxweynaha Puntland diiday in uu ka qeybgalo

Farmaajo iyo Deni. [Sawir Hore]
Muqdisho-(Puntland Mirror) Shir ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ku casuntay madaxda dowlad goboleedyada oo qorshuhu ahaa in uu Muqdisho ka furmo July 5, 2020 ayaa dib u dhacay.

Ujeedada rasmiga ah ee sababtay dib u dhaca ayaan weli aysan sheegin dowladda dhexe, balse ka baaqista Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ah sababta ugu weyn ee keentay in shirku uu dib u dhaco, sida ilo-wareedyo ka ag dhow shirka ay u sheegeen bog wareedka Puntland Mirror.

Asbuucii la soo dhaafay, isagoo ka hadlayay sanadguurada 60-aad ee xornimada Soomaaliya oo lagu qabtay magaalada Gaalkacyo, Madaxweyne Deni ayaa sheegay in uu aqbalayo baaqii kasoo baxay baarlamaanka Puntland ee dowladda u sheegayay in aysan ka qeybgalin shirka Muqdisho.

Baarlamaanka Puntland ayaa dowladda ugu baaqay in aysan ka qeybgalin shirka Muqdisho oo u dhaxeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha Xubna ka ah Federaalka.

Bayaan ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya 25-kii bishan June ayaa Madaxweyne Farmaajo uu ku casumay madaxweynayaasha maamul goboleedyada in ay ka soo qeybgalaan shir ka dhici doona Muqdisho bilowga bisha July.

Ajandaha shirka ayaa noqon doona sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa doorashooyinka dalka, arrimaha amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

Ilo-wareedyada ayaa Puntland Mirror u sheegay in madaxweynaha Puntland maalmihii u dambeeyay lagu qancinayay in uu ka qeybgalo shirkaas, balse uu si qayaxan u diiday.

Inkastoo tan iyo markii uu xilka qabtay Madaxweyne Farmaajo sanadkii 2017 uu xumaa xiriirka ka dhaxeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada sida Puntland iyo Jubbaland, haddana khilaafka ayaa aad u sii xumaaday wixii ka dambeeyay shirkii Garoowe ee horaantii sanadkii 2019, kaasoo natiijo la’aan ku dhammaaday.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*