Madaxweynaha dowladda Puntland oo tagay magaalada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galgaduud

Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali. [Sawirka]
Dhuuso-mareeb-(Puntland Mirror) Madaxweynaha dowladda Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta oo Arbaco ah tagay magaalada Dhuuso-mareeb ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha ayaa waxaa halkaas ku soo dhaweeyay masuuliyiin uu hoggaaminayay Shiikh Maxamed Shaakir oo ahaa guddoomiyhii hore ee Ahlu Suna haddana ah madaxa xukuumadda Galmudug.

Dhawaan ayaa la filayaa in Dhuuso-mareeb lagu qabto heshiiska ugu dambeeya ee Galmudug iyo Ahlu Sunna Waljamaaca oo dhawaan isku biiray.

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo asbuucyadii ugu dambeeyay safar ku marayay gobolada dalka ayaa hadda ku sugan magaalada Dhuuso-mareeb.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*