Wasiiraddii Arrimaha Insaanimada iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya oo is casishay

Sawirka: Maryan Qaasim Axmed.

Muqdisho-(Puntland Mirror) Wasiiradii Arrimaha Insaanimada iyo Maareynta Musiibooyinka ee Soomaaliya, Dr. Maryan Qaasim Axmed ayaa maanta oo Arbaco ah si deg deg ah isku casishay, iyada oo sheegatay daruufo gaar ah, sida ay ku sheegtay qoraal ay soo dhigtay boggeeda Twitter.

Maryan ayaa kamid ahayd golihii wasiiradda ee Raysulwasaare Xasan Cali Khayre uu magacaabay dabayaaqadii bisihii Maarso ee sanadkan.

Sida ay ilo-wareedyadu sheegeen, waxaa jiray khilaaf soo kordhayay oo u dhaxeeyay Raysulwasaaraha iyo wasiiradda is cashisay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*